Tirada Dadka ku dhintay qarixii Jalalaqsi oo kodhay iyo Maamulka oo faah faahiyay

10

Waxaa kordhay khasaaraha dhimasho ee ka dhashay qarixii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, kaas oo lala beegsaday Guddoomiyaha degmadaas nuur Dheere.

Qaraxa ayaa xilliga uu dhacayay waxaa Guddoomiyaha lagula beegsaday maqaaxi kutaalla degmada Jalalaqsi, waxaana dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay ay isugu jireen qaar kamid ah ilaaladiisa iyo dad kale.

Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Nuur Dheere ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen laba qof oo horleh oo u geeriyooday dhaawicii soo gaaray, isla markaana tirade guud ee dadka ku dhintay ay noqonayaan 8 Ruux.

Wuxuu sheegay in sidoo kale ay gacanta ku dhigeen Nin hagayay ruuxa is qarxiyay, kaa soo uu sheegay inay horay u yaqaaneen, kaas oo uu sheegay in ay Maxkamad u gudbin doonaan.

Agaasimaha Caafimaadka ee Hay’adda Maareynta musoobooyinka ee SODMA Dr Cabdulaahi Muuse Axmed iyo Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka oo ugu horreeyo Xildhibaan Maalik Cabdalla.

Agaasimaha Caafimaadka ee Hay’adda Maareynta musoobooyinka ee SODMA Dr Cabdulaahi Muuse Axmed ayaa faah faahin ka bixiyay dhaawacyada la keenay Muqdisho ee kusoo dhaawacmay qarixii ka dhacay degmada Jalalaqsi.

Xildhibaannada kala ah Maalik Cabdalla iyo iyo Sanyare oo iyana kamid ah Xildhibaannada dhaawacyada soo dhaweeyay ayaa iyana dhankooda hadlay ayaa sheegay in Al-Shabaab kaliya hadda kusoo aruureen inay dadka qarxiyaan.