Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada xukuumadda Federaalka Soomaliya Fardowso Cusmaan Cigaal ayaa heshiis Caalami oo wadaag ah oo la xiriira Hawada iyo Duulista la gashay dhiggeeda wasiirka Gaadiidka Kenya Kipchumba Mukomen.
Heshiiskan ayaa u gogal-xaaraya in diyaaradaha wata astaanta Soomaaliya ee la diiwaangaliyey duulimaadyo ku tagi karaan Kenya, tan oo qeyb ka ah daadaalada ay wado wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, kaas oo ku aaddan dhammaan diyaaradaha ka diiwaangashan Soomaaliya inay duulimaadyo caalami ah ka sameyn karaan.
Sidoo kale waxa uu heshiiskan xoojinayaa wada shaqaynta duulimaadka labada dal iyo aqoon isweydaarsi.
Heshiiskan ayaa imaanaya, xilli walaac xooggan laga muujinayo bed qabka diyaaradaha fadhigoodu yahay Kenya, kuwaas oo sanadihii ugu dambeeyay ay soo badanayeen shilalka ay ku galayaan Soomaaliya.