Madaxweyne Kuxigeenka 1-aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ka warbixiyey Safar uu ku tagey Dalka Ethopia

55
Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Jubaland, Mudane H.E Mohamud Sayid Aden ayaa gudoomiyay kulan ay isugu yimaadeen xubno katirsan labada Gole ee Jubaland, Maamulka Gobolka Gedo, kan degmada Doolow iyo masuuliyiin kale.
Shirkan ayuu madaxweyne ku xigeenka kaga warbixiyay safar shaqo oo uu ku tagay Dowlad Deegaanka Soomaalida, asagoo masuuliyiinta la wadaagay waxyaabihii kasoo baxay kulan uu la qaatay Madaxweynaha Dowlada Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustaf Muxumed Cumar iyo maamulka magaalada Godey.
Madaxweynaha ayaa sheegay in madaxda uu kulamada la yeeshay kala hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa amniga xuduudaha, iskaashiga dhinacyada hormarka, isku socodka bulshada iyo wadaaga khibradaha hay’adaha dowliga ah.