(SAWIRRO)Maxkamada Degmada Baardheere oo u xukuntey Dhiig nool gaaraya 670 neef oo geel ah Dhibane Axmed Cabdulahi.

115

Maxkamada Degmada Baardheere ayaa u xukuntey Dhiig nool gaaraya 670 neef oo geel ah Dhibane Axmed Cabdulaahi muxumed Taar oo Muddo 7 sanno ah la xanuunsan Dhaawac culus oo  ka soo gaarey rasaas uu ku furey 2016 kii Askari ay ka wada tirsanaayeen Ciidanka XDS ee ku sugan degmada Baardheere.

 

Dhibane Axmed Cabdulaahi ayaa xaaladiisa caafimaad wax looga qaban waayey dalka gudahiisa.balse muddo sanado ah ayaa waxaa lagu dabiibayaa Isbitaal ku yaala Magaalada Dubai ee dalka Imaaradka Carabta inkastoo Dhakhaatiirta ay sheegeen inaan wax laga qaban karin xaaladiisa caafimaad,

Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Axmed oo ah Garsooraha Maxkamada Baardheere ayaa ku dhawaaqey xukunka Maxkamada ay gaartey,waxaana goobta ku sugnaa Ehelada labada dhinac,Mas,uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada iyo G./ku xigeenka Gobolka Gedo.

Sidoo kale Sheekh Ibraahin Daahir shacbaan oo ah Gudoomiyaha Maxkamada degmada Baardheere ayaa ugu baaqey labada dhinac in ay u hogaansamaan Xukunkan maxkamada ay gaartey.isagoona sheegay xukunkan in loo cuskadey Shareecada Islaamka.