(Daawo Sawwirro)G.ku xigeenka Gobolka Gedo iyo Maamulka degmada oo Booqdey Xarumo ku bur burey Qaraxyadii ka dhacay Baardheere.

69

Mas,uuliyiinta ayaa Maanta Booqdey Xarumahii Danta guud ee ku bur burey Qaraxyadii dhowaan ka kala dhacay degmada Baardheere  ayaa waxaa hogaaminayey Sheekh Maxamed Xuseen Alqaadi oo ah G.ku xigeenka Maamulka Gobolka Gedo iyo Maxamed weli Yuusuf Qorax oo ah Gudoomiyaha degmada Baardheere.

Goobahan Danta guud ee Bur burka uu soo gaarey,islamarkaana loogu adeegayey Bulshada deegaanka  ayaa waxaa ka mid ah Isbitaalka Degmada,Maxakamada,Saldhiga Booliska,Iskuulka Al Xikma,Guriga Martida,Iskuulka Markabley iyo Xarunta Bulshada Baardheere.

Mas,uuliyiintaan ayaa si wada jir ah waxay ugu Codsadeen Dowlad Goboleedka Jubaland iyo Hay,adaha Samafalka inay ka qeyb qaat  aan dib u dhiska Xarumahan oo Muhiim u ah Adeega Bulshada Deegaanka