( SAWRR0)Degmada Baardheere oo markii ugu horeysay laga dhagax dhigey dhismaha Xabsiga degmada.

87

Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa markii ugu horaysay waxaa  laga dhagax dhigey dhismaha Xabsiga dhexe ee degmada ,kaasi oo ku bur burey dagaaladii sokeeye dalka ka dhacay.

Xaflad si heer sare loo soo agaasimey,ayna ka qeyb galeen Mas,uuliyiinta Maamulka degmada Baardheere,Qaar ka mid ah waxgaradka degmada iyo Ururada Bulshada ayaa ujeedkeedu uu ahaa siddii loo dhisi lahaa xabsiga Degmada,maadama degmada ayan lahayn wax xabsi ee lagu xiro Maxaabiista muddo ka badan ilaa 30 sanno .

Xabsiga dhexe ee degmada oo ay ka howl geli jireen Ciidamada Asluubta ayaa ka mid ah dhismayaasha dowlada ee danta guud ee ay maamuli jireen Ciidamada Asluubta,balse ciidamadaasi ayaa dhowaan la bilaabey in la diyaariyo si ay ugu howl galaan Xabsiga degmada ee la dhisi doono dhowaan.

Dhame,Aden Barre Cabdi( Aden Dhay) oo Taliyaha Ciidanka Asluubta degmada Baardheere ayaa sheegay in Bulshada Baardheere laga doonayo ka qeyb qaadashada Dhismaha si is xilqaan ah  Xabsiga Baardheere ee lagu xiri jirey Dadka Maxaabiista ah ee ay ku dhaci jireen xukunada kale duwan .

Aden dhaay ayaa intaasi ku darey in ay ku rajo weyn yahiin inuu shaqeeyo Xabsiga degmada iyo diyaarinta Ciidamadii Asluubta ee ka howl geli lahaa Xabsiga.si loo xoojiyo nidaamka iyo sareynta sharciga.

Maxamed Weli Yusuf Qorax oo ah Gudoomiyaha degmada Baardheere oo ka hadlayey Xafladii Dhagax dhiga Dhismaha Xabsiga degmada ayaa sheegay Bulshada Baardheere in  Baahi weyn ay u qabaan siddii uu u shaqeyn lahaa,madama dadka dambiyada gala ee Xukunada ay ku dhacaan ayan lahayn meel lagu xiro.