Faah Faahino ka soo baxaya Alshabaab & Ciidamadda Jubland oo ku dagaalamay Degaanka Geriley ee gobolka Gedo

51

Wararka imaanaya gobolka  Gedo ayaa sheegaya Xubno ka Tirsan Al-Shabaab ay weerareen degaanka Geriley  ay Fariisimo ay ku leeyihiin Ciidaamadaa Daraawiish Jubland oo kana  mid ahaa saldhigyadii ay  Wareejiyeen ciidamada Hawgalka ATMIS ee ka socda Dalka Kenya .

Alshabaab ayaa la sheegay in Weerar ku bilowday Hub Culus ay ku qaadeen Saldhigaasi oo ay ku sugnaa yihiin Ciidamada Daraawiishta Jubland waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo Dhaawac

Wasiirka Amniga Jubland Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal oo ka hadlayay Weerar Alshabaab ay ku soo qaadeen Halkaas ayaa sheegay in Ciidamada Jubland ay iska caabin kala hortageen Xubnihii Alshabaab ee weerarka soo qaaday laguna gaarsiyay  dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale , wasiirka Amniga Jubland Yuusuf Dhuumaal ayaa sheegay in Ciidamada Jubland Hal Askari kaliya uu uga dhaawacmaay Weerarkaas waa sida uu yiri’.

Ma jirto Cid Madax banaan oo xaqiijin karta khasaaraha Rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii xalaay ka dhacay degaanka Geriley ee gobolka Gedo.

Degaanka Geriley oo ka tirsan gobolka Gedo ayaa la sheegay inay weli gacanta ku hayaan ciidamada Jubaland iyo kuwa xoogga dalka.

Hase ahaatee’ Alshabaab ayaa maalmahaan kordhisay weerarada ay ku qaadayaan fariisimaha Ciidamada dawlada Federaalka iyo kuwa degaanka ay ku leeyihiin gobolada dalka.