Baarlamaanku wuxuu sheegay in qodobkan lagu beddelayo in shacabka Puntland ay iyagu soo daartaan madaxweynahooda.
Sidoo kale, baarlamaanku wuxuu sheegay in la furayo qodobka 46aad ee dastuurka, si loo kordhiyo tirada xisbiyada, loona waafajiyo hannaanka doorashada ee haatan lagu wado.
Waxaa kale oo baarlamaanku furayaa qodobka 7-aad eeĀ dastuurka, si gobolka Gardafu oo laga jaray gobolka Bari loo waafiyo dastuurka.
Puntland, 24 kii sano ee lasoo dhaafay, baarlamaan lagu soo xulay hab qabali ah ayaa doorta madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka. Lama oga in isbeddelkan cusubi uu dhaqan gali karo xilligan.
Si kastaba ha ahaatee, furitaanka dastuurka weli khilaaf adag ayaa ka taagan, waana sababta keentay dagaalkii Garowe dhawaan ka dhacay, kaasoo u dhaxeeyay maamulka iyo siyaasiyiinta mucaaradka.