Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in Weerar ku bilaawday Qaraxyo ayaa lagu qaaday xero lagu tababaro ciidamada dib u xorreynta oo ku taalla degmadaasi Baardheere.
Ilaa laba Gaari oo la sheegay in laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu weeraray Xerada, waxana sidoo kale la sheegay in rag hubeysan ay ka dehx dagaalamayaan gudaha Xerada.
Xerada qaraxyada lagu weeraray ayaa waxaa dhowr Bilood ka hor tababar uga furay Ciidamo ka qeyb qaadan doona howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab mas’uuliyiin uu kamid yahay Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.
Mas’uuliyiin katirsan Maamulka magaalada Baardheere ayaa xaqiijiyay weerarka, waxaana ay sheegeen in saacadaha soo socda faah faahin doonaan, waxaana weli xerada Baardheere laga maqlayaa rasaas xoogan.