Weerar lagu dilay Askar Kenyan ah oo ka dhacay Gobolka Waqooyi Bari

13

Xubno la sheegay inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay weerar ku qaaeen Kolonyo Gaadii ah oo ay saarnaayeen Ciidamo Kenyan ah, kuwaas oo ku socdaalayay degaano katirsan gobolka Waqooyi Bari, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Weerarka ayaa markii hore ku billaawday qarax miinada nooca dhulka lagu Aaso ah oo lala begsaday Ciidamada, waxaana xigay dagaal toos ah oo dhexmaray Ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab, xilli ay marayeen duleedka deegaanka Mararani ee gobolka Waqooyi Bari.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen inay maqlayeen jugta qaraxa lagu weeraray Ciidamada Kenya iyo dagaalka ay la galeen Al-Shabab, balse aysan cadeyn Karin khasaaraha ka dhashay.

Saraakiil katirsan Ciidamada Kenya ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarkii kaga yimid, isla markaana ay socdaalkoodii sii wateen, balse Al-Shabaab ay sheegeen inay burburiyeen mid kamid ah gadiidka Ciidamada Kenya.

Tan iyo sanadkii 2011-kii oo Ciidamada Kenya ay soo galeen meelo kamid ah Soomaaliya, iyaga oo kamid noqday howlgalka ATMIS ayaa waxaa Al-Shabaab ay weeraro la beegsanayeen Ciidamada Kenya, xilliyada ay ku socdaalayaan meelo kamid ah dalkaas