Jubbaland oo War Ka Warbixisay Sababta Gedo Loogu Diiday Guddoomiyaha Cusub Inuu Gaaro

10

Madaxwayne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan oo ka hadlayay khilaafka kala dhexeeya Jubbaland mas’uuliyiinta gobolka Gedo ayaa khilaafka ka taagan Gedo ku eedeeyay inay ka dambeeyaan qaar kamid ah siyaasiin dana gaar ah leh iyo dad uu ku tilmaamay jaaliyado dibadeed.

Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlayay laanta Afkasoomaaliga ee  BBC-da ayaa sheegay in dadka reer Gedo ay badankood soo dhoweeyeen maamulka cusub ee ay soo magacaabeen isla markaana uu guddoomiyuhu dhowaan halkaa tegi doono sida uu hadalka u dhigay madaxweyne ku-xigeenka.

“Gobolka Gedo wax dhibaato ah kama jirto laakiin marka aad fiiriso baraha bulshada iyo waxa dhawaanahan soo baxay cayayaanka baraha bulshada loo bixiyay isma laha, waxaana rabnaa inuu gobolka helo nidaamkii iyo kala dambeyntii dowliga ahaa iyadoon qofna wax loo dhimeynin,” ayuu yiri Maxamuud Sayid

Shalay ayay ahayd markii magaalada Garbahaarey laga hor istaagay inay ka degto diyaarad sidday wafdi uu hogaaminayay gudoomiyihii dhawaan ay Jubaland u soo magacaawday gobolka, kaas oo ay ka hor yimaadeen qaar kamid ah siyaasiyiinta deegaankaas.