Goobaha Ganacsiga degmada Baraawe oo Maanta xiran iyo xiisad ka taagan

15

Kadib markii dagaal xooganaa oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose sidoo kalena ah Xarunta rasmiga ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa Maanta xiran inta badan goobaha Ganacsiga magaalada.

Dagaalka oo ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 5 Ruux ayaa la sheegay in uu u dhaxeeyay Ciidamo ka kala tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa Millateriga Soomaaliya oo u abaabulan Hab beeleed.

Xiisad dagaal ayaa weli laga dareemayaa Magaalada Baraawe, waxaana Maanta xiran inta badan Goobaha Ganacsiga, sida Bakhaarada, Goobaha Caafimaadka, Waxbarashada iyo Goobaha Shaaha lagu qabo oo dadku ay isugu imaan jireen.

Dad ku sugan degmada Baraawe ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen in weli magaalada ay kajirto cabsi la xiriirta inay markale dhinacyadu dagaalamaan, taas oo keentay inay xirmaan Goobaha Ganacsiga.

“ Magaalada Maanta waxaa laga dareemayaa inay Goobaha Ganacsiga xiran yihiin, isku socodka dadka iyo Gaadiidka majiro, waayo dadku weli waa ay baqayaan maadaama Ciidamadii dagaalamay ay Magaalada dhinac ka joogaan ayuu yiri” Mid kamid ah Shacabka degmada Baraawe.

Laamaha Amniga iyo Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed ayaan weli ka hadlin dagaalkii ka dhacay degmada Baraawe, hayeeshee waxaa la filayaa inay ku baxaan Odayaal dhaqan iyo waxgarad si xaaladda loo dejiyo.