Madaxweynaha dalka Bangladesh, Maxamed Shahaabudiin ayaa ku wajahan Caasimadda dalka Turkiga ee Ankara, si uu Axadda uga qeyb galo Munaasabadda Caleema-saarka ee Madaxweynaha La-doortay ee dalkaasi, Rajab Dayib Erdoğan.
Madaxa Warfaafinta ee Madaxtinimada dalka Bangladesh, waxa uu sheegay inuu Madaxweynuhu booqasho 6 maalmood ah ku joogi doono dalka Turkiga, isagoo Casuumaad Rasmi ah ka helay Madaxweyne Erdoğan.
Bishan June 4-da oo ku beegan Maalinta Axadda ee soo socota ayaa Madaxweyne Erdoğan lagu Caleema-saari doonaa Dhismaha Xarunta Madaxtooyada ee Canakay Palace ee magaalladda Ankara.
Dhanka kale, Madaxweynayaal, Ra’isul-wasaarayaal iyo Hoggaamiyayaal Dowladeed ayaa la filayaa inay ka qeyb geli doonaan Munaasabadda Caleema-saarka Madaxweyne Erdoğan oo la shaaciyey inay dhici doonto Maalinta Axadda ee soo socota, Abaarihii 5-ta galabnimo ee xilliga dalka Türkiye.