Dad ku dhintay fatahaado ka dhacay dhulka dowlad degaanka Soomaalida

12

Inta la xaqiijiyay 7 Ruux ayaa ku geeriyootay Saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen halka ay ku barakaceen dad gaaraya ilaa 17,299 qof kadib fatahaad uu Wabiga Shabeelle ka geystay degaano katirsan dhulka dowlad degaanka Soomaalida.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelle ee dowlad degaanka Soomaalida Aadan Axmed Sooyaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in fatahaadahani ay saameeyeen dad gaaraya ilaa 37,632 qof, kuwaas oo hadda xaalad nolo xumo ay ku heysato degaannadii ay u barakaceen.

Wuxuu sheegay in fatahaadaha ugu daran inay ka dhaceen degaannada Cadaadle, Mustaxiil iyo Iimey berry, sidoo kalena dadka dhaawacmayna uu Yaxaas dhibaato u geystay, kuwaas oo hadda xaaladooda caafimaad lala tacaalayo.

Sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Shabeelle ee dowlad degaanka Soomaalida wuxuu hadalkiisa u intaasi kudaray in dhul beereed dhan ilaa 67,226 Hektar ah ay baabi’iyeen fatahaadahan, dalaggan ayaa ahaa mid la gooyay iyo mid geedka saaran, dhammaantoodna waxaa xaaqay fatahaadan uu sameeyey Wabiga Shabeelle.

Wabiga Shabeelle oo mara qaybo kamid ah dowlad degaanka Soomaalida iyo Soomaaliya ayaa keenay fatahaado waaweyn oo ay ku barakaceen dad aad u badan, iyadoo fatahaadahani ay sidoo kale saameeyeen guryo badan iyo dhul beereedyo ay dadku tabcadeen.