Puntland oo ka jawaabtay hadalkii Madaxweynaha Somaliland

43

Maamulka Puntland ayaa jawaab ka bixiyay hadal shalay ka soo yeeray madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ahaa in Puntland ay qayb ka tahay colaadda muddaba ka taagan magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool.

Wasiirka warfaafinta Puntland  Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa BBC-da u sheegay in Puntland aaney qayb ka aheyn dagaalkaasi waxaana dhankiisii uu ku eedeyay Madaxweyne Biixi in ay dadka la dagaallamaya ay yihiin kuwiii uu dulmiyay waa sida uu hadalka u dhigaye, mana ahan markii ugu horreysay oo labada dhinac waa Puntland iyo Soomaaliland ay hadallo caynkaan kale ah warbaahinta isku mariyaan.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray Wasiirka in Madaxweyne Muuse Biixi uu goor hore ku eedeeyay dagaalka Magaalada Laas-caanood qeyb ka yihiin dad kala duwan, sida Puntland, dowladda Federaalka, dowlad degaanka Soomaalida iyo Al-Shabaab, balse dadka kaliya ay goobta ku dagaalamaya ay yihiin Ciidamada degaanka iyo kuwa Somaliland.

Wasiirka warfaafinta Puntland  Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland dadka la dagaalamaya ay yihiin dadkii uu dulmiyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isla markaana mowqifka Puntland uu yahay in taladooda loo ogolaado dadka Magaalada Laas-Caanood, lagana daayo madaafiicda lagu garaacaayo.

Tan iyo markii uu billaawday dagaalka Magaalada Laas-Caanood ayaa Somailand iyo Puntland waxaa ay midba midka kale ku eedeeynayeen inay hurinayaan Colaada magaalada Laas-Caanood, waxaana weli jirin cid xal ka gaartay colaadaas, isla markaana dhinacyadii dagaalamay ay weli is hor-fadhiyaan.