Booliska Uganda oo sheegay in ay ka hortageen Weerar qaraxyo ah oo lala damacsanaa Magaalada Kambaala

62

Ciidamadda  Amniga dalka Uganda ayaa gacanta ku dhigay 6 qof oo looga shakisan yahay in lagu helay walxaha qarxa oo la qorsheynayay in loo adeegsado dibadbaxyada dowladda looga soo horjeedo ee ka dhacaya magaalada Kampala ee Caasimada dalka Uganda .

Booliska Uganda ayaa sidoo kale  sheegay in ay  qabteen alaabo ay ka mid yihiin 12 dhalo oo khamri ah, boorka dhuxusha, sokor, jeergaano shidaal ah, sanduuqyo kabriid ah, koofiyadda qaraxa, dynamite, iyoAgab kale.

Dibad baxyo oo la qorsheeyay in dalka oo dhan ka dhaco ayaa waxaa soo qaban qaabiyay kooxda u dooda xoriyada dalka Uganda, waxaana looga soo horjeeday dhaqaalo xumo iyo musuq maasuq ka jira dalka.

Ammaanka Magaalada Kampala ayaa  aad loo  adkeeyay iyadoo booliisku ay sheegeen in dibadbaxyadu ay sharci darro kuwo sharci darro ah.

Major Charles Kabona, oo ah afhayeenka ciidamada difaaca Uganda, ayaa sheegay in howlgalada wadajirka ah ay qaadeen iyagoo ku saleysan xog la helay subaxnimadii Isniinta.

Dalka Uganda ayaa horey  waxaa uga dhacay qaraxyo dad bdan ay ku dhinteen oo ay geysteen Al-Shabaab.