Gaadiidka gurmadka deg deg ah oo goobta gaaray ayaa gurmad u sameeyay qoyska dhibaatada qabsatay, waxayna carruurta dhimatay ay kasoo hoos bixiyeen burburka dhismaha ku dumay.
Aabaha dhalay afarta caruurta ah ee Xalay ku geeriyootay dhimasaha qadiimiga ah ee kusoo dumay ayaa warbaahinta u sheegay in gidaar ka mid ah guriga uu kusoo dumay caruurtiisa Xalay xili ay hurdayeen oo ay suurtagal u noqon weyday inuu badbaadiyo.
“Afar canug oo aan dhalay ayaa iga dhimatay darbi ayaana kusoo dumay oo guriga wuxuu ahaa guryahii mudada fog la dhisay ee ku yaala agagaarka Badda, 15 jir ayaa u weyna caruurta 10 jirna wuu u yaraa oo afartooda way isku xigeen, alle ayaa awalba isiiyay hadana iga qaaday asaana kuwa kale isiin kara” ayuu yiri aabaha qoyska Cabdi Maxamed Xalane.
Degmooyinka magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xamarweyne, Xamar Jabjab, Shangaani, Cabdicasiis iyo kuwa kale waxaa ku yaala dhismayaal guryo muddo fog dhisan oo aanay intooda badan heli dib u dhis, iyadoona xiliyada roobabka xooggan ay da’aan dhismayaashii qaarkood ay dumaan waxyeelana ay kasoo gaarto dadka degan.