Soomaali hor leh oo laga daad gureeyay colaada Suudaan

49

Dagaal culus ayaa xalay mar kale ka bilowday qeybo kamid ah caasimadda dalka Sudan ee Magaalada Khartoum, waxaana dhinacyada ku dagaallamaya dalkaasi ay sheegeen in ay diyaar u yihiin xabbad joojin cusub, xilli tii hore ay ku ekayd xalay saqdii dhexe.

Dhanka kale, ku dhawaad 80 Soomaali ah oo ka baxsaday colaadda Khartuum ayaa diyaarad lagu geeyay caasimadda Koonfurta Sudan ee Juba, waxaana gurmadkaas u fidiyay jaaliyadda Soomaalida ah ee ku dhaqan Juba.

Cabdullahi Xasan Cali, oo ah agaasimaha guud ee jaaliyadda ganacsatada Soomaalida Koonfurta Sudan oo uga warramay BBC-da ayaa yiri “dad fara badan oo kasoo qaxay Suudaan una badan arday ayaan u gurmannay, anaga jaaliyad ahaan iyo ganacsatada ayaa ka shirnay sida aan usoo samata bixin lahayn, waxaan diyaarad u kireynay 73 qof waxa ku jira hal nin oo naafo ah iyo hooyo wadata labo carruur ah intakale waa arday”

Cabdullaahi oo hadalkiisa sii wada ayaa yiri “ maadama dagaallo culus ay ka socdaan Suudaan, dowladda Suudaanta koonfureed waxa ay qaxootiga u furtay xudduudaha anagana taas ayaa inoo fududeysay in aan soo daad gureyno soomaalidaas, lacag 25,000 oo dollar ayaa ku baxday kireynta diyaaradda lagusoo qaaday, waxaana iska aruurinay lacago ay inta badan bixiyeen ganacsatada”