Bahda Isbortiska Degmada Baardheere oo Cabasho ka dhan ah DF iyo Jubaland u soo Bandhigey Xidhibaano ka tirsan DF ee Soomaaliya.

58

Kulan balaaran oo ay isugu yimadeen Xubno isugu jira Bahda Isboortiska degmada Baardheere,Maamulka degmada iyo Xildhibaanad Faadumo Faarax Aden oo ka tirsan Xildhidhidhibanada Barlamaanka Soomaalya ayaa looga wada Hadley Baahiyaha ay Qabaan Bahda Isboortiska degmada Baardheere iyo Caqabadaha ku hor gudban Horomarka isbortiska deegaaanka muddo ka badan ilaa 10 sanno.

Cabdulaahi Cabdi Warsame oo ah Gudoomiyaha Isboortiska degmada Baardheere oo ka hadlayey kulanka ayaa ku dhaliiley Dowlad Goboleedka Jubaland iyo DF ee Soomaaliya inaysan wax gacan ah ka geysan horomarinta Bahda Isboortiska deegaanka,dhinaca Qalabka,Garoonka Kubada Cagta oo dayacan iyo Tababarada.

Cabdulahi ayaa tilmaamay ,marar badan oo xariiro ay la sameeyeen Wasaaradaha Isbortiska ay khuseyso Cabashadeena in     aysan suurta gelin inan helno wax taagero ah,,xilligan la joogana baahi weyn ay u qabaan sidii ay u heli lahaayeen Xaquuqahooda oo meesha ka maqan.

Sidoo kale Faarax Cabdi nur Turbac oo ah G/ku xigeenka degmada Baardheere ayaa soo dhaweeyey kulanka maanta ay yeesheen Bahda Isbortiska iyo Xildhibaanada,waxuuna codsadey in wax laga qabto Cabashooyinka ay qabaan Bahda Isbortiska degmada.

Gebagabedii kulanka xildhibaanad Faadumo Faarax Aden oo ka hadashey kulanka ayaa sheegtay in Cabashada ay qabaan Bahda Isboortiska degmada Baardheere in ay u gudbin doonto Maamul Goboleedka Jubaland,DF ee Soomaliya iyo cid kasta oo gacan ka geysan karto Horomarinta Isbortiska deegaanka,iyadoo slamarkana u dhigtey Bahda Isbortiska Cup ay ugu magac dartey  Cupka iska dhex galka bulshada iyo Nabada.