Gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Xuseen Jimcaale Madaale iyo mas’uuliyiin uu Hogaaminayo ayaa xalay fuliyay howlgal lagu begsanayo kooxaha isticmaala waxyaabaha maanka dooriya & goobaha lagu iibiyo islamarkaana lagu caweeyo oo ku yaalla xeebta Liido ee degmada CabdI Casiis.
Gudoomiyaha goblka Banaadir ayaa sheegay in la xiray goobaha ay dhallinyardu ku sugnaayeen oo uu sheegay in ay ahaayeen kalaabyo, isagoo amray in aan dib dambe loo furi karin.
Gdoomiye Madaale ayaa hadalkiisa sii raaciyay in dhalinyarada ay la taliyeen si ay dib dambe ugu soo laabaan falka ay ku jireen halka kuwo kalena ay xireen si loo dhaqan Toosiyo waalidiintooda loogu wareejiyo.
Hase’ahaatee ‘ Goobaha la xiray ayaa la sheegay in dhallinyaradu ay isugu imaan jireen halkaaso lagu isticmaalayay noocyada kala duwan ee maandooriyaha.