Deeq lacageed iyo Bundado Dhar oo ka timid Bulshada Baladxaawo oo soo gaartey degmada Baardheere( SAWIRRO)

64

Deeq lacageed iyo Bundado Dhar oo ka timid Bulshada ku dhaqan degmada Baladxawo,islamarkaana loogu talagaley in lagu caawiyo dadkii ku barakacay dabayaaqadii Bishii hore Roobab culus oo daadad watey kana da,ay degmada Baardheere ayaa la soo garsiiyey degmada .

Deeqdaan lacageed oo gaareysay ilaa $23.000,oo Dolar  iyo Bundado dhar ah ayaa lagu shaaciyey kulan maanta ka dhacay Xarunta Maamulka degmada Baardheere,waxaana goob joog ka ahaa Wakiilka Mu’asasada ALRAXMA,Gudiga Horomarinta degmada ,Mamulka degmada iyo Qaar ka mid ah Odoyaasha deegaanka.

Xubnahii ka Hadley kulanka oo kala ah Nabadoon Faarax Hire Guhaad oo ah Gudoomiyaha Gudiga Horomarinta Baardheere,Sheekh Cabdulqaadir Xasan Xaashi oo ah Madaxa  Mu’asasada ALRAXMA iyo Nabadoon Cali Saalax Xasan ayaa dhamaan waxay u mahad celiyeen Bulshada Baladxaawo,doorkooda ku aadan dhaqaalo uruurinta iyo sida ay ugu jawaabeen dhibaatadii ka dhacdey Baardheere,waxayna ugu baaqeen degmooyinka kale ee Gobolka in ay ka qeyb qaataan Gurmadka.

Gebagebadii kulanka Maxamed Weli Yuusuf Qorax oo ka hadlayey kulanka ayaa bogaadiyey taageerada dhaqaale ee bulshada Baladxaawo ay ku barbar istaageen Walaalahooda ku dhibaateysan Baardheere,waxuuna sheegay dhaqaalahaasi in ay ku bixin doonaan meelo muhiim u ah Bulshada deegaanka.

Si kastaba ha ahaatee degmada Baladxaawo ayaa noqoneysa degmadii labaad ee ka jawaabta Baaqii gurmadka fatahaada Baardheere,iyadoo degmada Luuqna ay ahayd degmadii ugu horeysay ee degmooyinka Gobolka ee ka qeyb qaadata Gurmadka.