Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Soomaaliya oo geeriyooday

51

Alle ha u naxariistee waxaa Maanta dalka Turkiga ku geeriyooday Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Soomaaliya Ismaaciil Maxamuud Hurreh Buubaa.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa la sheegay in uu xanuunsanayay Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurreh Buubaa , balse ugu dambeyn Maanta uu geeriyooday sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Somaliland

Alle ha u naxariisto Ismaaciil Maxamuud Hurreh Buubaa  ayaa soo noqday Ra’iisul Wasaare ku xigeen , Wasiirka arrimaha dibeda iyo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu ahaa sarkaal ka tirsanaa ururkii SNM, 1991 , waxa uu noqday Wasiirkii ugu horeeyay ee Maaliyada Somaliland, isaga oo ahaa  aqoonyahan haystay shahaadada sare ee PhD.

Mas’uuliyiin katirsan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Ismaaciil Maxamuud Hurreh Buubaa.