Hay’adda HIRDA oo deeq Raashin ah u qeybisey Barkacayaasha Baardheere(SAWIRO)

79

Hay’adda Samafalka HIRDA ayaa maanta waxay deeq Raashin gargaar ah oo isugu jirta,Bariis,Bur iyo Saliid u qeybisey ilaa Boqol qoys,kuwaasi oo ku barakacay Daadadkii ka dhashey Roobabkii xooganaa ee Todobaadkii hore ka da,ay degmada Baardheere.

Qoysaskan la siiyey gargaarka raashineed ee isugu jira haween,Caruur iyo dad waayeel ah ayaa waxay ka soo kala barakaceen Qaar ka mid ah Xaafadaha Baardheere oo ay ka dhacdey Fatahaadii uu sameeyey Togga weyn oo sababay inay ku barakacaan kumanaan Qoys.

Goobtii Raashinka lagu qeybinayey ayaa wxaa ka hadley howl wadeeno ka tirsan Hay’adda Samafalka HIRDA iyo mas,uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Baardheere.

Maxamed Weli Yuusuf Qorax oo ah Gudoomiyaha degmada Baardheere ayaa ku amaaney Gargaarka Raashineed ee Hay’adda Samafalka HIRDAay soo gaarsiisey Qoysaska ku barakacay daadadka Roobabkii cuslaa ee ka da,ay Baardheere,todobaadkii la soo dhaafey.

Gudoomiyaha ayaa waxaa uu intaasi ku darey gargaarka noocani oo kale ah in wax weyn uu ka tari doono Nolosha Qoysaska barakacayaasha oo xaaladoodu ay aad u liidatey.

Qaar ka mid ah Qoysaskii la siiyey gargaarka Raashineed ayaa ka mahad celiyey Taageeradan Dhanka Cunnada ah ee la siiyey xilligan adag,islamarkaana lagu guda jiro Bisha Ramadaan.