Maxay ka wada-hadleen Cabdikariin Guuleed iyo guddoomiye Cabdi Xaashi?

52

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan xal u helida arrimaha Somaliland Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta hoygiisa ku booqday Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cbdullahi.

Kulanka oo qeyb ka ah wadatashiyo taxane ah oo uu Ergeyga la yeelan doona masuuliinta dowladda iyo qeybaha bulshada Si ay ula wadaagaan fikirkooda ku aadan ka gungaaridda geedi socodka wadahalada Somaliland ee loo igmaday, loona dardargalin lahaa wadahadaladaas.

Mudane Cabdi Xaashi oo ah ruugcadaa qiimo weyn ugu fadhiya Dalka, waxuu la wadaagay Ergeyga sooyaalkii taariikheed ee labada gobal, midnimadii la yagleelay sanadkii 60kii, halkii iyo talooyin ku aadan waxa maanta la gudboon ee laga doonayo Xafiiska Ergeyga Gaarka ah.

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan xal u helida Arrimaha Soomaaliland Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa uga mahadceliyay gudoomiyaha xogtaas muhiimka ah iyo talooyinka dhaxalgalka ah ee uu la wadaagay.