Wasiiru Dowlaha Amniga iyo Taliyaha Booliiska ayaa Ka Qeyb galay Munaasabad Safaaradda Talyaanigu ku Wareejisay Gaadiid dowladda Talyaanigu ugu deeqday Ciidamada Boliiska JFS.
Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed General Sulub Axmed Firin oo ka hadlay munaasabadda ayaa uga mahadceliyay Dowladda Talyaaniga taageerada ay siiso Ciidanka Boliiska.
Safiirka Talyaaniga Roberto Vechi ayaa sheegay inuu Talyaanigu taageerayo codsiga madaxweynaha Jamhuuriyaddu ujeediyay Madaxda Talyaaniga si ay gacan uga geystaan howlgalada ka dhanka Al-Shabaab.
Wasiir Dowlaha Amniga XFS Maxamed Cali Xagaa, ayaa ka mahadceliyay taageerada iyo Garab istaagga dowladda Talyaanigu siiso Ciidamada Amniga JFS