Wararkii ugu dambeeyey Dadkii ku geeriyoodey Roobkii xaley ka da,ay Baardheere(SAWIRO)

54

Roobab culus oo mahiigaan ah oo watey daadad xoog leh kana da,ay degmada Baardheere  fiidnimadii xaley ilaa saqdii dhexe ayaa geystey khasaarooyin kala duwan oo leh naf iyo ,inta la og yahay 9 ruux oo rag ah ayaa ku geeriyoodey,halka ilaa seddex ruuxna ay ku dhaawacmeen,iyadoo ay jiraan labo ruux oo la la yahay

Dhacdadani ayaa timid ka dib markii dad badan oo ka talaabayey fiidnimadii xaley Buundada marta Togga weyn ee Xaafada kurmaan ee Baardheere ay ku soo rogmadeen Daadad xoog leh taasi oo dhalisey geerida 9 ruux iyo dhaawaca seddexda ruux sida ay ku waramayaan Goobjoogayaal ku sugnaa Goobta ay wax ka dhaceen

Waa dhacdadii ugu xanuunka badneyd ee uu geysto Roob xoogan oo ka da,ay degmada Baardheere ee Gobolka Gedo

.