Askari booliis ah oo lagu dilay magaalada Hargaysa

42
Askari ka tirsan Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa lagu dilay magaalada Hargaysa, xili uu howlgal ku jiray sida booliisku sheegay.

Cabdillaahi Cali Axmed oo ka tirsana qaybta booliiska bariga Hargaysa, ama saldhiga booliiska ee Macalin Haaruun, ayaa lagu dilay magaalada Hargaysa, isla markaana afhayeen booliiska u hadlay, ayaa sheegay in lasoo qabtay eedaysanihii dilka gaystay.

“Askariga eedaysanihii dilay gacanta ayaa lagu soo dhigay waana xidhanyahay, kiiskiina waa la baadhayaa, ninka dilka ku eedaysani ma fakan, in badan ayaa la raadiyay xalayto saaka waa ku dhawaad kii ayaa la helay CID-da ayuu ku xidhanyahay, maxkamada ayaana loo gudbinayaa maanta ama berri” ayuu yidhi.

Waxa uu sheegay in marxuunka gacan ka xaqdarani dishay isaga oo shaqo ku jira, isla markaana la hayo markhaatiyo, waxa kale oo uu beeniyay wararka sheegaya in aano qabiil ahaan loo dilay askarigan oo kasoo jeeda gobolka Sool.

“Dilka askarigaasi waa dil si caadi ah u dhacay, kama muuqato in qabiil loo aaneeyay, ama loo dilay, sida baadhistu muujinayso, waxaanu ka digayna dadka si kale u dhigaya ee leh qabiil ayaa loo aaneeyay oo loo dilay” ayuu yidhi.

Taliyaha ayaa sheegay in askari uu ka tirsanyahay booliiska isla markaana uu booliiska xaq ugu leeyahay in loo qabto eedaysanaha oo cadaalad loo mariyo.