Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan weerar qarax ku billaawday oo Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen Xerada Dhibowda ee ku taalla Xaruntii hore ADC ee degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxa ayaa marka hore lagu burburiyay darbiga Xerada, waxana xigay dagaal toos ah oo dhexmaray Ciidamada ilaalada Xerada iyo dagaalamayaal ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Weerarka qaraxa ah iyo dagaalka tooska ah ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen ilaa hal ruux oo ka mid ah askarta Dhibowga,halka labo kalena ay ku dhaawacmeen.
Laamaha Amniga degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaan weli ka hadlin weerarkaas, hayeeshee wuxuu kusoo aadayaa xilli dhawaan weerar ismiidaamin ahaa oo lagu qaaday Guriga Martida ee degmada Baardheere uu ku dhaawac guddoomiyaha Gobolka Gedo.