Shil ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay degaan katirsan Somaliland

81

Shilkan oo dad ay ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen ayaa waxaa Maanta oo Jimce ah uu ka dhacay dooxa Diinle oo u dhaw degmada Awbarre Gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland.

Shilka ayaa waxaa uu yimid kaidb markii dooxa Diinle uu ku dhex rogmaday Gaari Dheyno ah, waxaaana inta la xaqiijiyay Shilka ku geeriyooday 9 Ruux halka laba kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo dhamaantood gaariga saarnaa.

Ciidamo katirsan kuwa ilaalada waddooyinka Somaliland ayaa garaay halka uu ka dhacay shilka, iyaga oo goobta kasoo qaaday meydadka iyo dhaawacyada.

Degaannada Somaliland ayaa waxaa aad ugu badan shilalka, waxaana sanadkii ka dhaca Shilal Gaari oo ay ku dhintaan dad ka badan 30 Ruux tiro intaas ka sii badana ay ku dhaawacmaan.