Xaflad Qalin jebin loo Qabtey Ardeyda waxka barata Machadka Baardheere(SAWIRRO)

47

Shalay oo ahayd Jimce 10/03/2023 magaalada Baardheere gaar ahaan masjidu Nuur waxaa lagu qabtay xaflad si heer sare loo soo agaasimay oo ahayd xaflad qalin jebin Machadka Culuumta  Sharciga iyo luuqadda Carabiga ah ee Baardhere,

Xafladda oo si wayn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha, culimada, aqoonyahanka, dumarka, waalidiinta ardayda machadka, dhalinyarada IWM

Tirada ardayda qalinjebisay Machadka Baardheere  ayaa ahayd 24 arday oo kala ah 12 gabdho ah iyo 12 wiilal ah, waana dufcadii ugu horaysay ee machadka ka qalinjebisa tan iyo markii la aasaasay oo ahayd  08:08/2020.

Machadka Baardheere oo ku yaala Xaafada Kaskey,ayaa waxaa dhigta ilaa 150 arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho.

Ardayda ayaa la gudoonsiiyay shahaadooyinkooda oo u dhiganto dugsi sare , shahaadadaa oo ay bixisay wasaaradda waxbarshada dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Qaar ka mid ah Dadkii ka hadley Xaflada Qalin jebinta Ardeyda ee Machadka Baardheere ayaa Bogaadiyey Horomarka dhanka Waxbarashada ee ay ku soo kordhiyeen deegaanka,Waxayna Maamulka Machadka ay ka Codsadeen inay sii laban laaban Waxbarashada ka socota Machadka Baardheere.

 

Qaar ka