Shir u dhexeeyo DF Somalia iyo dowlad goboleedyada oo ka furmaya Baydhabo

51

agaalada Bayddhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa todobaadkan gudihiisa ka furmi doono shir u dhexeeyo madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad dgoboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa yeelan doono Golaha Wadatashiga oo ka kooban Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha, Duqa Muqdisho iyo hoggaamiyeyaasha maamullada.

Sid ay ogaatay Idaacadda Shabelle waxaa shirkan ku gacan-seeray madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo gebi ahaan iska diiday ka qayb-galka shirkaasi.

Deni ayaa diidmadiisa sabab uga dhigay khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka iyo Jubbaland oo tegaya shirka maalmaha soo socda ka dhacaya magaalada Baydhabo.

Wararka ayaa sheegaya in shirka Golaha Wadatashiga ee magaalada Baydhabo diiradda lagu saari doono arrimo la xiriira doorashooyinka, si looga soo saaro go’aano wadajir ah.

Dhinaca kale xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Mudane Maxamed Abuukar Subeyr ayaa maanta  Magaalada Baydhabo ka furey shir hordhac u ah Ajendayaasha Madasha Wadatashiga oo looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka dalka.

Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa magaalada Baydhabo ka furmaysa 14-ka bishaan March, sida lagu sheegay shirka maanta ka dhacay gudaha magaaladaasi.