Shirka Taliyayaasha Booliska oo ka Furmay Magaalada Kismaayo

68

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda  Somalia Maxamed Cali Xagaa,iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmad Firin ayaa maanta si wadajir ah uga furay magaalada Kismaayo shirka Taliyayaasha Booliska dowlad goboleedyada dalka iyo Taliska guud ee booliska federaalka Soomaaliyeed.

Shirkaas oo socon doona muddo 3 maalmood ah ayaa looga hadli doonaa heerarka kala duwan ee booliska dowlad goboleedyada iyo kan federaalka ay ka wada shaqeeyaan, hormarinta tababarada ciidanka iyo sidii loo mideyn lahaa aqoonta booliska heerarkiisa kala duwan ee heer federaalka iyo heer dowlad goboleed.

Shirkaan ayaa  inta uu socdo diirada lagu saarayaa Sidii taliyaasha Booliska ay isaga kaashan lahaayeen Sugida amniga dalka