Madaxweyne Xasan sheekh & Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku kulmay Dooxa

79

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula kulmay magaalada Dooxa ee dalka Qatar Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Madaxweynihii Hore ee dalka, dadaallada dowladdu ay ku bixinayso xoreynta dalka iyo dagaalka  ciidamadda Dawlada  oo kashanaya kuwa degaanka ay kula jiraan Alshabaab.

Kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  uu kula yeeshay Magaalada Dooxa ee dalka Qatar Madaxwweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo   ayaa ku soo aadaya xilli Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi uu Hogaminayo Dooxa ay uga qayb galeen  Shirka Qaramada Midoobey ee dalalka soo koraya .