Dowladda Britain oo dhaqaalaha ka joojisay ciidamada Somaliland

35

Dowladda Britain ayaa shaacisay in ay gebi ahaanba joojisay dhaqaalihii ay siin jirtay Wasaaradda Difaaca ee Maamulka Somaliland, sida lagu xusay qoraal ka soo baxay xafiis ay dowladda Britain ku leedahay Magaalada Hargeysa.

Go’aanka lagu joojiyay dhaqaalahii lagu taageeri jiray Wasaaradda Gaashaandhigga Maamulka Somaliland ayaa sida la sheegay lagu gaaray Magaalada London ee caasimada dalka Britian.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in go’aanka lagu joojiyay dhaqaalaha uu dhaqan gelin doono 31-ka bishan, iyadoo Dowlada Britain ay ahmiyad gaar ah siin doontaa arrimaha bini’aadannimada.

Sida lagu xusay bayaanka, Dowladda Britian ayaa sidoo kale dib u eegis ku sameyn doonta maal-gelinta dhinaca amniga iyo Hay’addaha garsoorka, iyadoo la eegayo waxa u qabsoomay Maamulka Somaliland muddadii la caawinayay.

Dowladda Britain ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay la xisaabtan la’aanta Ciidanka maamulka Somaliland iyo sida ay ula dhaqmeen dadkii banaanbaxyada ka dhigayay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.