Cabdiraxmaan Cirro oo si kulul uga hadlay dagaalka Laas-Caanood

44

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in dagaalka Laas-Caanood uu yahay dagaal sokeeye.

Wuxuu ku eedeeyay Madaxweynaha Somaliland in dadkii mideysnaa ee Somaliland uu kala geeyay, isaga oo sidoo kale cambaareeyay duulaan uu sheegay inay Puntland kusoo qaaday Gobolka Sool.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ka socday dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka ee la Magac baxay SSC.