Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyay sharci muhiim ah

104

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ahaa ansixinta hindise sharciyeedka Dhowrista maal-gashadayaasha iyo maalgashiga, marsiinta akhrinta 3-aad, u codeynta hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta dadweynaha.

Sidoo kale ajendaha maanta waxaa ku jirtay qeybinta warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ugu dambeyntii ansixiyay hindise sharciyeedka Dhowrista maal-gashadayaasha iyo maalgashiga, waxaana sharcigaan u codeeyey 145 Xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa ka aamustay, wax diidayna ma jirin.