Madaxweyne Xasan Sheekh oo tagaya Kismaayo

55

Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee dowlad Goboleedka Jubbaland uu tago Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Magaalada Kismaayo waxaa laga dareemayaa Maanta qaban qaabada soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha, iyada oo Ammaanka Magaalada siweyn loo adkeeyay.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in ujeedka safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Magaalada Kismaayo uu yahay sidii xal looga gaari lahaa arrimaha Gobolka Gedo, sida ay Risaala u sheegeen Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Kismaayo la kulmi doona Madaxda Maamulka Jubbaland iyo Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolka Gedo.

Warar kale aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu tegi doono degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo, halkaas oo uu ka furi doono shir dib u heshiisiin ah, si xal buuxa looga gaaro khilaafka Gobolka Gedo.