in ka badan 20 qof oo ku geeriyootay shil ka dhacay dalka Gariiga

53

Dawlada Gariiga in ayaa sheegtay in ugu yaraan 29ka qof ay ku dhinteen 80 kalenaya ay ku dhaawacmeen ka dib marki ay laba tareen isku dheceen habeennimadii.

Shaqaalaha samatabbixinta oo ku shaqeynaya xaalad aad u adag meel ku dhow magaalada Larissa ee dalka Gariiga ayaa baaraya gaadiidka ku bur buray shilkan.

Wararka ayaa sheegaya Mid ka mid ah tareennada  dab ka kacay qmarkii hore, Waxaana jirta cabsi laga qabo in dad ay weli ku xayiranyihiin gudaha burburka.

Samata bixiyaasha ayaa ka shaqaynayay sidii ay u soo saari lahaayeen rakaab saarnaa mid ka mid ah tareenada markii uu shilku dhacay.

Tareenka ayaa la sheegay in ay saarnaayeen ilaa 350 rakaab ah uu ku dhacay tareen xamuul ah.

Ku dhawaad 150 shaqaalaha dab damiska ah iyo 40 ambalaas ah ayaa ku sugnaa goobta, sida ay sheegeen dabdamisku.

Ilaa hadda lama oga waxa sababay shilka tareenka rakaabka, kaas oo ku socdaalayay inta u dhaxaysa magaalooyinka Thessaloniki iyo Larissa.