Somaliland oo war lama filaan ah ka soo saartay dagaalka ka socda Laascaanood

43

War-saxaafadeed ka soo baxay Somaliland ayaa waxaa looga hadlay dagaalka weli ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo galay maalintii 23-aad oo xiriir ah, isla-markaana sababay dhimasho iyo dhaawac badan.

Dagaalka oo maanta dib uga qarxay galbeedka magaaladaasi ayaa Somaliland waxa ay sheegtay in lagu soo qaaday fariisimaha ciidamadeeda, sida ay hadalka u dhigtay.

Sidoo kale waxaa Somaliland qoraalkan ay ku sheegtay in dagaalka ay ku soo biireen taliyeyaal ciidan oo ka yimid magaalada Muqdisho, siday ay ku caddeysay qoraalkeeda.

Halkan hoose ka aqriso:-

Waxaa fadhiisimada Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Galbeed Magaalada Laascaanood soo weeraray kooxaha Nabad diidka iyo Argagixisada ah ee ku sugan Magaalada Laascaanood.

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka duulaya in ay is difaacaan ayaa dhirbaaxo kulul ku dhuftay kooxaha huwanta ah ayna ku soo biireen Taliyayaal Ciidan oo ka yimi Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay diyaar u yihiin in ay shacabkooda ka difaacaan kooxaha Argagixisada ah ee gabaadka ka dhiganaya dadka shacabka,kooxahan oo isaga kala yimi meelo kala duwan.

Waxay Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland u cadaynaysaa Beesha Caalamka iyo wadamada jaarka ah in kooxahan Argagixisada ah ee dagaal kula jira Somaliland ay khadar ku yihiin nabadgelyada iyo Xasiloonida Gobolka Geeska Afrika, waxayna Dawladda Somaliland ku baaqaysaa in la iska kaashado kooxahan Argagixisada ah sidii looga sifayn lahaa Magaalada Laascaanood.