“Khasaaraha ay maanta gaysteen oo la yaabka lihi waxa weeyaan, maanta waxay duqeeyeen dhakhtarkii waynaa, oo ay ku dhufteen madaafiic meel fog kasoo tuurayaan, waxay dhibaato wayni ku dhacday dhaawicii yaalay” ayuu yidhi Fallaalug.
Waxa kale, oo uu ciidamada ku eedeyay in ay afduubteen shaqaalihii warshahada laydhka ee Laascaanood, isaga oo sheegay in ay taasi keeni karto in isbitaaladu waayaan koronto ay isticmaalaan, isla markaana dhibaato soo gaadho bukaanka.
Xukuumada Somaliland ayaa iyadu dhankeeda beenisay in ciidankeedu ay beegsadeen isbitaalo iyo goobaha adeega dadwaynaha, iyada oo ku tilmaantay been la doonayo in lagu dilo sumcada ciidamada millateriga.
Somaliland duqayamaha loo gaysanayo goobaha adeega dadwaynaha ayay ku eedeeysay in ay gaysanayaan kooxo wajiyo badan oo huwan ah, kuwaasi oo ciidankeeda dagaal kula jira.