RW Xamse oo kulan la qaatay mas’uuliyiin ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka

66

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay wafdi ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka oo uu hoggaaminayey Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Arrimaha Siyaasadda, Danjire Yousef Muhammad Aldobeay.

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Danjire Yousef ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta labada dhinac, gaar ahaan kaalinta ururku ka qaadanayo u gurmadka dadka ay abaaruhu saameeyeen iyo xasillinta deegaannada dhowaan laga saaray Al-Shabaab, waxa uuna Ra’iisul Wasaaruhu bogaadiyey garab istaagga ay OIC u muujinayso shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Yousef Muhammad Aldobea oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celiyey kulankan ayaa tilmaamay sida degdegga ah ee ay u soo ajiibeen baaqii dowladda Soomaaliya ee ku aaddanaa arrimaha bini’aadanimada iyo gurmadka deegaannada laga saaray Al-Shabaab Al-Shabaab, kuwaas oo laga hirgelinayo mashaariic horumarineed oo soo kabaya nolasha dadka.