Ra’iisul wasaare Xamza oo kulan la yeeshay safiirka Midowga Yurub

61

Ra’iisu Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Ms Tiina Intelmann oo ay ka wada hadleen sidii mashaariicda horumaniyeed ee Midowga Yurub ka taageero Soomaaliya loogu salayn lahaa barnaajiyada ahmiyadda u leh xukuumadda Dan-Qaran.

Danjiraha Midawga Yurub Ms Tiina Intelmann ayaa la wadaagtay Ra’iisul Wasaaraha in Midowga Yurub uu sii wadi doono barnaajiyadda horumarinta ee uu ka taageero Soomaaliya, iyadoo sheegtay in xilligan Midowga Yurub kaalin wayn ka qaadan doono barnaamijka xasilinta deegaannada laga xoreeyey Alshabaab.