Degmada Baardheere oo si Habsami leh ugu Socoto Shubkii ugu dambeeyey ee Dhismaha Buundada Kurmaan(SAWIRO)

89

Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxaa si Habsami leh ugu Soconaya Shubka ugu dambeeyey ee Dhismaha Buundada Kurmaan ee degmada ,waxaana ka qeyb qaadanaya shubkaasi oo ah Tiirarka Buundada iyo Sakxada kore ,Boqolaal dadweyne ah oo ku deeqay Maalkooda iyo Muruqooda.

Howshan Balaaran ayaa ka miro dhalinteeda oo si isku Tashi ah lagu dhisay Buundadan oo  Cabirkeedu uu yahay 33 mtr dherer iyo Balaca 12 mtr .Gudiga Horomarinta degmada iyo Maamulka degmada oo Juhdi iyo Wakhti badan ku bixiyey.