Qarax khasaare geystay oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

42

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo barqanimadii maanta ka dhacay waddada Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala bartilmaameedsaday gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo marayay halkaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale innoo sheegay in kolonyada la qarxiyay uu la socday taliyaha guutada ilaalada madaxda qaranka ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Maxamed Daahir, kaas oo ka bad-baaday qaraxa lala beegsaday.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxan miino ku dhintay ugu yaraan 2 qof, halka ay ku dhaawacmeen 7 kale, kuwaas oo isugu jiro askar iyo dad shacab ah.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan qaxaas, balse xaaladda ayaa haatan ah mid deggan.

Shalay ayey markii qarax kan la mid ah oo lala beegsaday gaari nooca raaxada ah uu ka dhacay agagaarka isgoyska Zoobe kaas oo geystay khasaare u badan dhaawac.