Madaxweynaha Somaliland oo si kulul uga hadlay dagaalka Laas-Caanood

81

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa marka hore u tacsiyadeeyay dadkii ku dintay dagaalkii Magaalada Laas-Caanood ku dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaadka degaanka.

Muuse Biixi wuxuu sheegay in uu aad uga xun yahay dagaalladii ka dhacay Magaalada Laas-Caanood, isaga oo sheegay in aan laga fuleyn in wixii Siyaad barre uu ku sameeyay Magaalada Hargeysa in uu ku sameeyo magaalo kale.