Masuuliyiinta deegaanka Gerileey ee Gobolka Gedo oo Codsadey Gurmad Daawo iyo Mid Nololeed

73

Ku dhowaad ilaa Sodon caruur ah  ayaa mudooyinkii la soo dhaafay xanuunno kala duwan ugu geeriyooday deegaanka geriley oo ka tirsan Gobolka Gedo, una dhow Xuduuda Kenya ay la wadaagto Soomaaliya, xilli xarumo caafimaad oo shaqeeya aanay ka jirin deegaankaasi,iyadoo dhibatadasina dadka deegaanka ay u sii dheer tahay Abaar iyo Biyo la,aan.

Axmed Farataag oo ah Madaxa Arimaha Bulshada deegaanka Gerileey oo Wareysi siiyey Radio Markabley  ayaa sheegay dadka deegaanka xilligan in ay wajahayaan Cuduro soo ridanaya,kuwaasi oo qaarkood ay u dhinteen ,halka kuwa kalena ay u jiifaan,waxuuna ka Codsadey hay,adaha Samafalka iyo Waxgaradka Gobolka in ay gurmad bini,aadinimo ay la soo gaaraan dadka deegaanka.

 

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: