Toogasho ka dhacday Maraykanka & Khasaaro ka dhashay

24

Ugu yaraan 3 qof ayaa la dilay, 5 kalena wey dhaawacmeen Toogasho xalay oo Isniin ahayd ka dhacday Jaamacadda Michigan State University (MSU) ee dalka Maraykanka.

Toogashadaasi waxay 8:15 Fiidnimo ee xalay (xilliga dalkaasi) ka dhacday meel u dhow Berkey Hall ee bariga Kambaska Lansing Campus ee Jaamacadda MSU.

Boliska waxay sheegeen in 2 qof lagu dilay toogasho ka dhacday Berkey Hall, halka qof kalena ku dhintay Dhismaha the Union Building.

Mar sii horeysay Boliska waxay soo bandhigeen Sawirka Nin hubeysan, kaasi oo la rumeysan yahay inuu keligiisa geystay Toogashadaasi.

Baadi-goob socday 3 saacadood kadib, Boliska waxay xaqiijiyeen inay maydka Dableygii ka heleen bannaanka Jaamacadda, isla markaana uu u muuqday inuu u dhintay dhaawac uu isaga isku geystay.

Boliska waxay kaloo tilmaameen inaysan kala caddayn inuu Dablayga wax xiriir ah la lahaa Jaamacadda MSU ee uu dilka ka geystay.