QM oo celisay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay macluul daran

27

Qaramada Midoobay ayaa raadineysa lacag dhan 2.6 bilyan oo dollar si loogu caawiyo 8 milyan oo qof oo ku nool koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya, iyadoo dalka uu mar kale qarka u saaran yahay macaluul baahsan.

Macluushan ayaa laga cabsi qabaa in dalka ay uga dilaacda muddo muddo sedex billood gudahood, waxaana sababay sida Qaramada Midoobay ay sheegtay dhibaatooyin is-biirsaday oo ay ka mid yihiin abaaro daba dheeraaday, colaado, barakaca, amni darro, iyo sare u kac ku yimid maciishada.

Adam Abdelmoula, isku duwaha gargaarka bini’aadantinimo ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa ku tilmaamay abaarta hadda ka jirta dalka mid aan horay loo arag, wuxuuna sheegay in in ka badan 700,000 oo qof la filayo inay wajahaan gaajo darran .

Wuxuu sheegay in macluushiin 2011-kii ee galaafatay nolosha 360 kun oo qof ay ka dhalatay sedex xilli roobaad oo waxba ka da’in dalka, isagoona xusay in hadda muddo shan sanno aan wax roob ah ka da’in dalka, taasi ay ugu wacan tahay xaaladda bini’aadannimo ee uu ku jiro dalka.

“Tani waa abaartii ugu xumayd ee soo marta taariikhda ee Soomaaliya”. sidaas waxaa Arab News u sheegay Adam Abdelmoula, isku duwaha gargaarka bini’aadantinimo ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Adam Abdelmoula ayaa sheegay haddii aysan helin dhaqaalaha ay u baahan yihiin in macluul ay ka dhici karo Soomaaliya inta u dhaxeysa billaha April iyo June ee sannadkan.

Todobaadkii la soo dhaafay ayay aheyd markii Hay’addaha gargaarka Qaramada Midoobay ay Magaalada Muqdisho ka daah-fureyn qorshahooda 2023-ka, kaasi oo ay uga jawaabayaan xaaladdaha bini’aadannimo ee ka jira dalka Soomaaliya.