Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in kal hore ay ku dhawaaqday xabad-joojin bilaa shuruud ah, balse xabad joojintii markale ay jebiyeyen kooxo ku soo duulay nabad-galyada iyo xasilooni magaalada Laascaanood, kuwaas oo weerar kusoo qaaday Saldhigyada Ciidamada.
War kasoo baxay Wasiir kuxigeenka Amniga Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland ayaa waxaa algu sheegay in saaka la soo weeraray Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Sool , Fariisimada Ciidanka Somaliland ee Magaalada Laascaanood., hayeeshee Ciidamadooda ay weerarkaasi kaga jawaabeen is difaacid.
Dhinaca Somaliland ayaa sheegtay in aaga hore ee degaanka Tukaraq ay maamul goboleedka Puntland ay ka wadaan dhaq-dhaqaaq ciidanka sidii horeba xukuumaddu u sheegtay, iyaga oo doonaya in dagaalka ay ka bilaan jihooyin cusub, iyada oo Ciidamada Somaliland mar walba lagu soo qaadayo weeraro, todoba maalmood oo joogto ah.
Ugu dambayn Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay ogaysiinayso Bulshada reer Somaliland, Beesha Caalamka iyo dadka nabada jecelba inay wali xabad joojin bilaa shuruud ah ay dhankeeda dhaqan-gal ka yahay.