Qaraxyo iyo Rasaas laga maqlayo Xarunta Gobolka Banaadir & dad laga soo badbaadiyay

49

Rasaas xoogan ayaa weli laga maqlayaa Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir, halkaas oo weerar qaraxyo ku billaawday ay ku qaadeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Wariyeyaasheena oo tegay meel u dhow Xarunta Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Dowladda Soomaaliya ayaa Ciidamo farabadan geysay waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Xarunta Maamulka.

Muuqaalo iyo Sawiro lagu baahiyay Baraha Bulshada ayaa muujinaya qaar kamid ah Shaqaalaha Gobolka Banaadir oo darbiga Xarunta kasoo boodaya iyo kuwo laga soo badbaadiyay.